SAFAARADDA SOOMAALIYA EE SWEDEN OO QADO SHARAF U SAMEYSAY GUDDOOMIYAHA XISBIGA TOWFIIQ

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden ayaa qado sharaf ku maamuustay Sheekh Maxamed Shaakir, Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, kadib markii ay si rasmi ah ugu casuuntay xarunta Safaaradda ee magaalada Stockholm.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Danjire Abdikarim Ahmed, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden, oo sidoo kale qaabilsan dalalka Nordic, diblomaasiyiinta iyo howl-wadeennada Safaaradda, iyo qaar ka mid ah xubnaha la socday Guddoomiyaha.

Intii uu kulanku socday, Danjire Abdikarim Ahmed ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Nordic, gaar ahaan Sweden, iyo arrimaha khuseeya bulshada Soomaaliyeed ee gobolka.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday is-dhaafsiga aragtiyaha iyo warbixinnada ku saabsan xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed, doorka ay ku leedahay bulshada ay la nooshahay, iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Nordic.

Safaaraddu waxay uga mahadcelinaysaa Sheekh Maxamed Shaakir aqbalaadda martiqaadka iyo ka soo qaybgalka kulankan.

Stockholm, Sweden

Previous Somalia Extends Condolences to Qatar on the Passing of the Former Emir

Kronborgsgränd 23, floor 2, 164 46 Stockholm, Sweden

Opening Hours:

Monday to Friday, 10:00–16:00

Somali Embassy in Sweden

On behalf of the Embassy, we extend a warm welcome to all
members of our Somali community living across the Nordic region.
The Embassy remains dedicated to providing consular services,
protecting the rights of our citizens, and strengthening ties
between Somalia and the Nordic countries.

We are here to serve you.

Copyright © 2026 Embassy of the Federal Republic of Somalia. All Rights Reserved.